Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Weerarkii Muqdisho Ka Dhacay.

gaari lagu dilayWaxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay lagu qaaday gaari ay la socdeen saraakiil cadaan iyo madow isugu jirta oo ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa lagu dilay 5 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen saraakiil Turkish ah’waxaana sidoo kale dadka dhintay ku jiray sarkaal u dhashay dalka Azarbijaan iyo labo ruux oo Somali ah kuwaasi oo kala ahaa darawalkii gaariga iyo mid Tarjumaan ah.

Sidoo kale weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay Shan kale oo labo ka mid ah ay Turkish yihiin’iyadoona sidoo kale saraakiisha dhaawacantay uu ku jira mid Kenyaati ah.

Dhowr jeer waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro qorsheysan oo lagu dilay saraakiil ajaanib ah oo cadaan iyo Madow isugu jira.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.