Gaari Uuraal Ah Oo Askarta Itoobiya Looga Gubay Galgaduud.

itoobiyaan baqtiWararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya In saaka qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo maalintii Shanaad ku socdaalaya wadada isku xirta degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago ayaa waxey la kacday gaari Uuraal ah oo askar Itoobiyaan ah la socdeen’waxaana qaraxa  uu ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in gabi ahaan uu burburay gaariga Uuraalka kaasi oo uu saarnaay qoriga Suuga’waxaana sidoo kale qaraxa baqti iyo dhaawac ku noqday tiro askar Itoobiyaan ah.

Waa gaarigii afaraad oo todobaadkan gudihiisa laga gubay kolanyada Xabashida Itoobiya oo maalintii Axada kasoo baxay degmada Dhuusamareeb kuwaasi oo aysan wali u suura galin iney gaaraan halka ay doonayaan oo ah degmada Ceelbuur.

Calamada.com

Comments are closed.