Mareykanka Oo Sheegay In Qaar Ka Mid Ah Maxaabiista Ku Jirta Xabsiga Guantanamo Ku Wareejinayo Dowlada Kale.

WASIIRKA AMIGA GUDAHA MAREYKANKADowladda Saliibiyada ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in 12 ka tirsan Maxaabiista Muslimiinta ee muddada dhowr iyo tobonka Sanadood ku jira Xabsiga Guantanamo Bay inay u wareejin doonto dalal kale, taas oo sida ay sheegtay qeyb ka ah Mashruuca lagu doonayo in lagu xiro Xabsigaasi.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegay inay ku wargeliyeen Aqalka Congeresska ee dalkaasi tallaabta lagu doonayo in Maxaabiistan Muslimiinta ah loo tarxiilo Waddamo kale, hase yeeshee Sarkaalkaas ma sheegin dalalka ay qorsheynayaan inay ku wareejiyaan Maxaabiistaasi Muslimiinta ah.

Mas;uulka u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Nasaarada ee Mareykanka waxa uu sidoo kale tilmaamay in howsha tarxiilidda Maxabiista ay billaaban doonto maalmo gudahood ah, isagoona xusay in Maxaabiistaas uu ka mid yahay nin lagu magacaabo Dhaariq Baacuudah oo 37 jir ah, una dhashay Wadanka Yemen, kaas oo tan iyo intii Sannadkii 2007-dii ay si khasab ah ay ku quudinayeen ilaalada Xabsiga Guantanamo, kadib markii uu Cuntada ka soomay, isagoo ka gadoodsan Jirdilka iyo tacdiibinta lagula kacay.

Xabsiga Sumcadda xun ee Guantanamo Bay waxaa hadda ku jira 91 ruux oo Muslimiin ah oo loo heysto tuhmooyin la xiriira waxa loogu yeero “Argagixisnimo”, iyadoona Hogaamiyaha Dowladda Mareykanka Gaal Barack Obama uu horey ugu dhawaaqay inuu xabsigaasi xirayo, isagoona Golaha Dhawaaghiidda ah ee Gongeresska u gudbiyay qorshe albaabada la isugu dhufanayo Jeelkaasi, hase yeeshee waxa uu la kulmayaa Mucaaradad xooggan oo uga imaaneysa Xubno ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Wadanka Mareykanka.

Comments are closed.