Dagaallo ka kala dhacay difaacyo ka tirsan Jubooyinka Iyo qasare Ciidanka kenya lagu gaarsiiyay weerarkaasi

Filed under: News |

Sida aanu ku heleyno warar naga soo gaaraya dhanka Iyo difaacyada WI Jubooyinka ee ay isku horfadhiyan ciidanka Mujahidiinta Iyo Kuwa Kenya ayaa caawa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo Mujaahidiinta ay ku qaadeen fariisimo ku yaala deegaanka Hoosingoow.

Dagaalka ayaa ahaa mid aad u xoogan oo bartilmaameedku ahaa in qasaare xoog leh lagu gaarsiiyo cadowga waxaana saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ay xaqiijiyen in weerarka uu muddo qaatay

lama Oga qasaaraha rasmiga ah ee cadowga ku gaaray weerarkaasi,dhanka kale waxaa maqrib nimadii Caawa Iyadana Mujaahidiinta Jabhadda dhanka Badhaadhe ay weerar ku qaadeen saldhig weyn oo ciidanka Kenya ay ku leeyihiin aagaasi.

Dagaalka badhaadhe ayaa soconayay Muddo ku dhawaad 20 daqiiqo Iyadoo Mujaahidiinta ay degmada ka galeen dhowr jiho waxaana so baxaya qasaare ka dhashay weerarkaasi kuwaasi oo laga xusi in askar Kenya ah lagu dilay weerar.

Qooqaani ayaa sidoo kale saaka Mujahidiinta ay weerar ku qaadeen iyagoo dagaalkaasi Magaalada laga galay laba Jiho oo Kenyaatiga ay daganyihiin halka dagaalkuna uu soconayay muddo saacad ah sida aanu kasoo xiganay saraakiil ka tirsan raggii weerarka hoggaaminayay..

Dagaalada Jubooyinka ka soconaya ayaa waxay qeyb ka yihiin kuwa Muslimiinta ay kaga horjedaan cadowga hororka ah ee soo duulay.