Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Cadan.

Abyan YemenQarax loo adeegsaday gaari lagu soo raray walxaha qarxa ayaa saakay aroortii hore lagu weeraray Guriga uu magaalada Cadan ee Koonfurta Dalka Yemen uu ka dagan yahay Taliyaha Ciidamada Booliiska u qaabilsan magaaladaasi ninka lagu magacaabo Korneyl Cali Shaa’ic.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxa oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada, iyadoona guriga uu weerarku ka dhacay uu ku yaallo Mandiqadda Al-Tawaahi ee Koonfurta bari ee magaalada Cadan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ruuxa weerarka fuliyay uu watay gaari uu midabkiisu gaduud yahay, waxaana uu sii maray dhowr goobood oo ay fadhiyeen Ciidamada Booliiska, ka hor inta uusan isku qarxin meel waxyar u jirta Guriga Taliyaha.

Weerarkan waxa uu noqonayaa kii labaad ee noociisa ah ee dhowr bilood gudahooda ka dhaca magaalada Cadan oo xarun kumeel-gaar ah u ah Maamulka daba dhilifka ah ee uu hoggaamiyo Cabdi-Rabbi Haadi Mansuur, iyadoona illaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay mas;uuliyadda weerarkaasi.

Todobaadkii lasoo dhaafayna, Shan Askari oo Yamaniyiin ah ayaa ku geeriyootay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadan, kadib markii gaari Miineysan uu ku qarxay goob Kontorool ah oo ay fadhiyeen Ciidamada Ammaanka.

Dhinaca kalena ergo ka kala socoda Kooxaha Shiicada ee Xuuthiyiinta iyo Maamulka daba dhilifka ah ee dalka Yemen ayaa kusii qul-qulaya Wadanka Kuweyt, waxaana halkaas la filayaa inay ka billowdaan wejigii labaad ee wadahadallada siyaasadeed ee lagu doonayo in lagu wada hadalsiiyo labada dhinac, si ay ugu dambeyn usoo dhisaan Dowlad ay ku mideysan yihiin.

Comments are closed.