Dhageyso:Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Heshiis Taariikhi Ah Kala Dhex Dhigay Beelaha Biyamaal Iyo Habargidir.

odayaasha-dhaqanka GediWaxaa si rasmi ah loosoo Afjaray colaadii u dhaxaysay beleaha walaalaha ah ee Biya-maal iyo Habargidir oo sanadadii lasoo dhaafay dad badan isaga dilay deegaanno katirsan shabeelaha Hoose
Kulan weyn oo socday muddo 2 maalin kana dhacay degmada Janaale ayaa gogol loogu dhigay beelaha Habargidir Iyo Biyomaal oo muddo xurguf ay ka dhaxeysay.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Odayaal ka kala socday labada beelood kana yimid dhammaan degmooyinka Sh hoose ayaa looga hadlay sidii loo joojin lahaa colaadaha ka taagan sh hoose taasoo keentay dhimashada dad fara badan.

Kulanka ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin.

1-In la qaado dhammaan isbaarooyinka qabiilka ee daadsan min Baraawe ilaa Afgooye.

2- In la kala saaro ciidamada qabiilka Iyo kuwa dabadhilifyada ah ee cadowga la safan.

3-Inaan hub lagu arki karin tuulooyinka Iyo degmooyinka cid aan ahayn mujaahidiintana aysan hub ku wadan karin.

4-In lagu dhaqmo shareecada Islaamka laguna kala baxo Kitaabka Alle.

5-Ciddii Jabisa heshiiska kulankaas lagu gaaray in hal dhinac looga wada marayo la iskana dhicinayo.

Odayaasha ayaa saxiixay qodobada kulanka waxaana la isku af gartay in muddo 3 bil ah xabad joojin la sameeyo kadibna la isugu soo noqdo xallinta hantida maqan iyo dadka la dilay diyadooda.

WI Sh hoose waxay goobta ka caddeysay in amar lasiiyay ciidanka Mujaahidiinta dhammaan inay heegan u galaan wax ka qabashada beeshii jabisa go’aanada ee gardaroota.
Dhageyso Kalimaddii Sh Maxamad Abuu Cabdalla Uu Ka Jeediyay Shirka.

Dhageyso Hadalada Odayaasha Biyo maal iyo Habar gidir.
Xigasho:Idaacadda Islaamiga Andalus