Askari Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Shabeelada Dhexe Lagu Dilay.

maleeshiyaatka dowlada ridada federaalkaWararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in habeenkii xalay askari ka tirsanaay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka lagu dilay mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobalkaasi.

Howlgalkan oo ahaa mid gaar ah oo lagu dilay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka saldhiga deegaanka Biyo-cade oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay.

Rag hubeysan ayaa la xaqiijiyay in askariga ay dileen xilli uu ku qayilayay agagaarka saldhiga deegaanka’iyadoona raggii hubeysnaay askariga dilay goobta si nabad ah ay kaga baxsadeen.

Deegaanka Biyo cade oo dhowr bilood ka hor duulaan ay ku qabsadeen ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka Murtadiinta waxaa si xiriir ah kaga dhaca weerarada dhabba galka ah ee loo dhigaya kolanyada shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada ee doonaya iney isaga kala gooshaan deegaanada Ceelbaraf’Biyo Cadde iyo degmada Mahadaay oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada dhexe.

Calamada.com

Comments are closed.