Dagaalo Ka Kala Dhacay Degmooyinka Hodan Iyo Hurwaa Ee Muqdisho.

mujaahidiinta dagaal 7Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay weerar culus ku qaadeen fariisin maleeshiyaatka nabadsugida dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen degmada Hodan ee magaaladan Muqdisho.

Fariisinka sida gaarka ah ciidamada Mujaahidiinta u weerareen ayaa ah fariisin maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka ay ka sameysteen isgoyska Black-sea ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha degmooyinka Hodan’Howlwadaag iyo Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen Warshadii hore ee Barfuunka ee agagaarka isgoyska Soos ee degmada Hilwaa’waxaana warshada ka dhacay dagaal muddo socday oo la isku adeegsaday hubka fudud iyo midka culus.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaaladan xalay ka kala dhacay degmooyinka Hodan iyo Hurwaa ee magaalada Muqdisho’iyadoona dagaaladan ay kusoo aadayaan xilli labo maalin ka hor askari ka tirsanaay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka lagu dilay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.