Sawiro Dad Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Masjid Ku Dumay Duleedka Muqdisho.

Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay masjid saacadihii lasoo dhaafay ku dumay deegaanka Garasbaaley oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Masjidka soo dumay ayaa ahaa masjid dhismo ku socday’iyadoona gabi ahaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen shaqaalihii faraha kula jiray dhismaha masjidkaasi oo maalma ka hor dayactir lagu bilaabay.

Imaamka Masjidka Al-raxmah oo ah masjidka dumay oo lagu magacaaba Sheekh Muxamed Xaashi oo warbaahinta kula hadlay gooba masjidka uu ku dumay ayaa sheegay in xilligii masjidka uu dumayay aysan jirin wax dad ah oo Salaad ku dukanayay taasi oo keentay in khasaaraha kaliya ku koobma shaqaalihii dhisayay masjidkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Masjidka soo dumay ay ku dhawdahay 50 ruux oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.

Hoos Ka Daawo Masjidka Deegaanka Garasbaaley Ku Dumay.

Masjid 1 Masjid 2 Masjid 3 Masjid 4

 

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.