Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo Wadada Warshadaha Lagu Weeraray.

mujaahidiinta alshabaab saf ku jiraCiidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen fariisinka maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen qeybo ka mid ah wadada Warshadaha oo ka mid ah wadooyinka ugu waaweyn islamarkaana ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Goobta sida gaarka ah ciidamada Xarakada u weerareen ayaa ah fariisinka maleeshiyaatka Ridada ay ka sameysteen agagaarka daaraha Ceymiska ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ku teedsan wadada Warshadaha.

Qaar ka mid ah dadka shacabka ee ku dhaqan xaafada Ceymiska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney jiraan khasaara nafeet oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kasoo gaartay dagaalka ka dhacay fariisinka dowlada ee Ceymiska.

Habeen hore ayeey aheed markii ciidamada Xarakada Shabaabul weeraro saf ballaaran ah ay ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka kala sameysteen Warshadii hore Barfuunka degmada Hilwaa iyo isgoyska Black-sea ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.