Diyaaradaha Ruushka Oo Maalintii Saddexaad Si Xiriir Ah U Duqeeyay Magaalada Xalab.

xalab duqeynDiyaaradaha Dagaalka ee Nidaamka Bashaar Al-Asad iyo kuwa Ruushka ayaa maalintii Sideedaad oo xiriir ah duqeymo ka geysanaya magaalada Xalab ee Dalka Suuriya, iyadoo duqeymahaasi ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen boqollaal ruux.

Shalay gelinkii dambe ayaa diyaaradaha dagaalka waxay tobon weerar oo xagga cirka ah ka fuliyeen Xaafadaha Qaadi Caskar, Al-Muwaasalaat iyo Al-Macaadi ee bartamaha magaalada Xalab, waxaana lagu soo warramayaa inay dhinteen inkabadan labaatan ruux oo dhammaantood ahaa dadrayid ah.

Goob joogayaasha ku sugan magaalada waxay sheegayaan in diyaaradaha Ruushka ay duqeynta u adeegsanayaan gantaallada waaweyn ee sida aadka u qarxa.  Muuqaallo baraha Internet-ka lasoo geliyayna waxay  soo bandhigayeen bur bur xooggan oo ka muuqda meelihii ay duqeymuhu ka dhaceen.

Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Ruushka iyo kuwa Nidaamka Bashaar Al-Asad waxay si ula kac ah  u beegsanayaan goobaha ay dadku aadka ugu badan yihiin sida Suuqyada iyo Isbitaallada, waxaana musiibadii ugu darneyd ay dhacday maalintii Arbacada ee tobaadkii lasoo dhaafay, kadib markii diyaaraduhu ay duqeyn ay ku qaadeen Isbitaalka Al-Qudus ee magaalada Xalab, halkaas oo ay ku dhinteen Soddomeeyo ruux oo ay ku jireen Dhakhaatiir iyo dad bukaan ahaa.

Maalintii shalay aheyd ayaan magaalada Xalab laga tukan Salaadda Jimcaha, iyadoo Golaha Sharciga ee magaalada uu dadweynaha kula taliyay inaysan Masaajidda isugu imaan, si looga gaashaanto duqeymaha Wuxuushnimada ah ee diyaaradaha Cadowgu ay geysanayaan.

Dhinaca kalena qaar ka tirsan Kooxaha Kacdoon wadayaasha ee Dalka Suuriya ayaa daboolka ka qaaday inay dib u billaabayaan howl-galladooda Meliteri ee ay hakad geliyeen tan iyo markii la saxiixay heshiiskii Geneva, iyagoona sheegay inuu bur buray heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay horey u galeen.

Comments are closed.