Dowlada Ithoobiya Oo Shaacisay Dhimashada Males Zenawi.

Filed under: News |


Xili maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay dhimashada Males Zenawi waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Madaxda dowlada Ithoobiya kuwaasi oo ka hadlay warbaahinta dalkaaasi, waxeyna sheegeen inuu baqtiyay Males  oo sanado badan ka talinayay dalka Ithoobiya kaasi oo markii hore afgambe dalka ku qabsaday.

Dhimashada Males Zenawi ayaa ah mid si aad ah looga hadal haayo caalamka iyadoona gudaha dalka Ithoobiya looga dhawaaqay baroor diiq ku aadan dhimasha Zenawi,  waxaana gabi ahaan dhulka la dhigay calanka dalkaasi.

Males ayaa ahaa nin dhiig cab ah waxaana suurta gal ah in maalmaha soo socdo isbadal balaaran laga dareemo gudaha dalkaasi, waxaana intaa sii dheer inuu ahaa nin dhiig cab ah oo si aad ah u dhibay dadka dalkaasi.

Dowlada Ithoobiya ayaa walwal balaaran ka muujineyso geerida Malez  iyadoona dhimashadiisa ay dhabar jab ku tahay sidoo kale duulaanka Ithoobiya ay ku soo qaaday Soomaaliya oo wali ciidamado ka tirsan kufaarta Xabashida Ithoobiya ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah degmooyin iyo deegaano ka tirsan wilaayaadka dalka Soomaaliya.

Calamada online.

 

 

 

 

 


One Response to Dowlada Ithoobiya Oo Shaacisay Dhimashada Males Zenawi.

  1. Eygii Sanaawiye
    Saqiirkeena layn jiray
    Saqariyo u dhoof iyo
    Cadaab soli jirkiisoo
    Seexay meel kulayl badan
    Saatirkii na uuntana
    Sidaanahay islaamkaba
    Saakay waa shukrinaynaa
    Sawjaadki uu qabay
    Cudad lagama saarine
    Saaxir noocadiisaa
    Surmo loogu geeyoo
    Sufahadi wayaanadu
    Indhawayd sasabaysiyo
    Culumaa usuuyadu
    Saakay waa u murugoo
    Tiiraanyo saaqdaa
    Sabarada kabuuxshoo
    Saaxirkoodi dhimayaye
    Tolow yay ku sugayaan
    Sumal noocadiisaa
    Sawaab iyo an khayr qabin
    Inta habar saliibla ah
    Iyo culumo suugeen
    Sinji aan wadaageen
    Ka sarbaxay shareecada
    Siyey wax ugu luusaan
    Sawdkooda ila suga
    Saacadaha na sooxiga
    Saaxirkii sanaawow
    Wax dhanbaad saqiiriyo
    Agoon sabiya laysoo
    Silic aad u dilaysee
    Sahankiyo horseedkii
    Miyuu saqara kula galay
    Ii sheeg siaad tahay
    Sarfadiyo xanuunkiyo
    Silicaad ku nooshahay
    Suuree ximaar yohow
    Saaxirkii sanaawow
    Suqmi iyo adoo cudur
    Sixun kuugu foofoo
    Saamiga cadaabeed
    Sadwayn aad ku leedahay
    Saakay waa ad dhooftee
    Sameenahad kudaysee
    Saman badan dul saarayd
    Yaad uga sodcaashood
    Madaxoodi siisood
    Soodhoweeya leedahay
    Saaxirkii sanaawow
    Saqajaan tigreeyoow
    Safiihii wayaanoow
    Dagaal ooge sumalkii
    Seeraha asooshoow
    Suquum iyo haduu quud
    Saakay kuu ahaa naar
    Soli oogadaadoo
    Seedaha jaraysoo
    Saaftoo baruurtii
    Aaan salaamo yeeline
    Rabi kugu saladayood
    Subxaankeed halkaad taal
    Silic kaa ku badanyee
    Noosheeg safiihyohow
    Suu xaalku kaa yahay
    Sokeeyiyo tolkaybaa
    Sugayee jawaabtii
    Dhakhso noogu soodaa
    Mise waa an saafaa
    Sheegaa sidaad tahay
    Iyo silacad mudan tahay
    Waadiga sakiirtiyo
    Sibrihii qaloocnaa
    Lada ay kusiibtee
    Suuree dhibtaadoo
    Soodaa jawaabtii
    Saaxirkii wuxuu yiri
    Kafan silic badnaydbay
    Oogadayda saareen
    Goortay ruuxa siibeen
    Silic iyo dhibaan maray
    Goortay sare u qaadeen
    Samadiyo cirkuba dii
    Oon solay jirkaygaa
    Haraad saaqay laabtuna
    Sakaraadka dabadiis
    Suuree hadaad tiri
    Siliciyo dhibtaan maray
    Suwarkii quraankiyo
    Sumar miyadan dhuuxayn
    Masad baa sifaysee
    Sidee xaalku kaa yahay

    Abuufatima
    August 21, 2012 at 12:28 pm