Shacabka Soomaaliyeed Oo Siweyn Ugu Farxay Geerida Males Zenawi.

Filed under: News |

Waxii ka dambeeyay markii dowlada Ithoobiya si rasmi ah u shaacisay geerida Males Zenawi ayaa caalanka oo idil waxaa si aad ah looga hadal hayaa geeridiisa iyadoona Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada sida weyn looga hadal hayo halaaga Zenawi, waxeyna dadku isugu hambalyeeynayaan geeradiisa, waxaana la dareemayaa dabaal degyo ay sameynayaan dadka shacabka, waxeyna si gaar ah  kaga bilowdeen inta badan gobolada dhaca Konfurta dalka Somaaliya saacado kadib markii la iclaamiyay geerida R/wasaarihii Itoobiya Males Zenawi.

Shacabka Somaalida ayaa isugu hambalyaynaya hallaagga Zenawi maadaama uu ahaay hogaamiye madax adag oo ciidankiisa xasuuq ka geysteen dalka Somaaliya.

Barnaamij gaar ah oo lagu muujinayo farxadda geerida Males Zenawi ayaa laga baahinayaa xarumaha Idaacadda Andalus ee xarumaha ku leh Marka,Kismaayo,Ceelbuur,Buulaburte,Jowhar iyo Baardheere,wariyaal islaami ah oo khadka taleefanka idaacadda lasoo geliyay ayaa soo tebiyay in shacabka ku dhaqan magaalooyinkaasi ay Sujuudu Shukri la dhaceen markii ay maqleen khabarka sheegaya ” Zenawi Waa Dhintay”.

Magaalada Kismaayo dad ku sugan ayaa wadooyinka qaar isugusoo baxay waxayna muujinayeen farxadda ay ka qabeen gaarida Zenawi.

Afhayeenkada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali dheere ayaa sheegay in dhimashada Zenawi uu yahay bishaara weyn oo muslimiinta usoo gashay isagoona mar uu hadlayay yiri “Allaah waxaan ka baryaynaa in uu nooga aargudo Zenawi”.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Itoobiya ayaa lasoo sheegayaa in ay tahay mid kacsan maadaama isbedel uu ka jiro wadanka oo uu galbaday hogaamiyihii Tigreega Itoobiya.

Calamada online.

 

 

 

 


3 Responses to Shacabka Soomaaliyeed Oo Siweyn Ugu Farxay Geerida Males Zenawi.

  1. asc waxaan leeyahay mujaahidiinta somaliya en eey taagero fiicn eey siiyaan waLAALA SOMALI GABEED sidii eey ugu xuroobi lahaayeen xokunka daaguudka ah midakale waxaan urajeenayaa somalida keenya dorashada hada soocoto ee keenya wa mideey ku bur buri laheeyd kenya maraka waxaan leeyaya walaalaha somalida keenya ineey isku sii tash taan sideey ugu xuroobi lahaayeen gaalada

    ali
    August 21, 2012 at 1:31 pm

  2. ASC
    Gaalkaan baqtiyey waa bishaaro laakiin waxaan la yaabanahey kooxda mushrikiintaa ee qubuuro caabudkaa inteey galayaan mar haduu aabahood baqtiyey waa la arki doonaa meeshaa naga gashaan

    abuu cumar
    August 21, 2012 at 6:39 pm

  3. Gaal foolxun wee yaan
    Waa garac wayaana ah
    Guumays fircooniyo
    Gungumiyo abeesiyo
    Halaq gogosha yaaliyo
    Waa garadax qaab daran
    Rabigeen gagabiyee
    Godka naara galiyee
    Gaasiray ibliiskaa
    Galad baan u haynaa
    Guulweeye dhinaceen
    Geeridii Zanaawiye
    Gacaliyo jacayl iyo
    Nooma yaal garawshee
    Ictisaam xagee galay
    Gaalkii shariifee
    Malas geeridiisii
    Gubtayee u balan balay
    Ayana maw garaabeen
    Mise waa gudoomeen
    Galadiyo abaalkaan
    Guuleheenu noo galay
    Kolay garasho dheeriyo
    May lahan garaad wayn
    Waana niman gafbadanoo
    Gaaladu wax siiyaan
    Gacansaarna waa jiray
    Wacalkii haduu go,ay
    Iil dheer haduu galay
    Guulaabo roobliyo
    Nooga wacan gu,da,ayoo
    Geeleenu waa dhalay
    Galku waa xareedoo
    Gammaankiyo farduhu orod
    Garmaamada saqlaha iyo
    Gucle roor ma daayaan
    Waa galad Ilaahay
    Waa guri barwaaqaa
    Waa goob damaashaad
    gayriyo dabayl male
    Gaxandhiyo cagaag male
    Qaydar kugu go,aayiyo
    Sogsog kugu gudbaysiyo
    Daaculuhu gan dheer male
    Waa galad Ilaahay
    Iyo galab barwaaqaa

    Abuufatima
    August 22, 2012 at 12:07 am