Ciidamada Itoobiya Oo Xabsiga Dhigay Sarkaal Ka Tirsan Dowlada Federaalka.

saraakiisha dowladaWararka ka imaanaya degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya xabsiga dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Sarkaalka askarta Xabashida Itoobiya xabsiga dhigeen ayaa lagu magacaabaa Muxamed Kaariya Caraale oo ka tirsan saraakiisha guutada 21 ee dowlada Ridada federaalka.

Sarkaalkan waxey ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo qafaaleen degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud’iyagoona ku xiray xabsi gaar ah oo ay ka sameysteen magaalada Beledweyne.

Sarkaalkan maanta ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya xabsiga dhigeen ayaa ah sarkaalkii Xabashida Itoobiya kusoo hogaamiyay degmada Ceelbuur sanadkii 2014 oo Amxaarada ay duulaan ku qabsadeen degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.