Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo Dad SHacab Ah Rasaaseeyay.

beledweyneWaxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay rasaas si bareer ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ugu fureen dad shacab ah oo ku sugnaa duleedka degmada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Maleeshiyaatka dowlada ayaa dadka shacabka ah ku rasaaseeyay goob mucaawino lagu qeybinayay taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dadka shacabka.

Inta la xaqiijiyay rasaastaasi waxaa ku dhintay Labo ruux afar kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalka magaalada Beledweyne.

Ciidamada Ridada Jabuuti oo goobta ku sugnaay ayaa indhaha oo kaliya ka eeganayay rasaasta sida bareerka ah maleeshiyaatka dowlada ugu furayeen dadkaasi shacabka ah.

Dhacdadaan ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka xoogan ee maleeshiyaatka Ridada iyo kuwa Kufaarta ku hayaan dadka shacabka.

Calamada.com

Comments are closed.