Bayaan Wada Jir Ah Oo Muslimiinta Caalamka Looga Tacziyeeyay Istish-haadka Amiirul Mu’miniin.

AfghanistanBayaankan wadajirka ah waxaa lagu billaabay : “ waxaa si murug iyo tiiraanyo leh nagu soo gaaray khabarka la xariira dilka Amiirka Imaarada islaamiga ah ee Afghanitan Amiirul Mu’miniin Al-Mulla Ikhtar Muxamed Mansuur-Raximahullaah- kadib duqeyn ay u geysteen Mareykanka, taas oo uu ku baxay isagoo Shahiid ah, نحسبه ولا نزكيه على الله تعالى. Annaguna waxaan halkan tacsi ku aadan galbashada geesigaas ugu direynaa Umadda Muslimka guud ahaan, gaar ahaan Umadda reer Afghan iyo Mujaahidiinta Daalibaan, waxaana ku leenahay : “لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بمقدار.

Sida lagu sheegay Bayaanka, Al-Mulla Ikhtar Mansuur waxa uu lahaa Masiiro xambaarsan Jihaad iyo Nafhur muddo 30 Sanadood ah, iyadoo Masiiradaana uu kusoo khatimay Shahaado uu ku helay gacanta Saliibbiyiinta, Shakhsiyadda Amiirul Mu’miniin Al-Mulla Ikhtar Mansuur ayaa Bayaanka waxa uu ku sifeeyay inay tahay tusaale ku dayasho mudan, iyo Madraso dadka baraysa fahamka Xaqiiqda Cibaadada Jihaadka iyo fahamka guud ee islaamka, raxmaddiisa, Cizzadiisa iyo Karaamadiisa.

Bayaanka Wadajir-ka ah oo sii socda ayaa waxaa lagu yiri :

“Amiirka Mifdaalka ah waxa uu ahaa xalqo ka mid ah sil-siladda dahabiga ee Qaadada iyo Umurada Muslimiinta ee soo taxneyd tan iyo markii uu dillaacay waabarigii islaamka illaa iyo maanta aan joogno, waa kolonyada Shuhadada Abraarta ah ee is daba socotay, waa kolonyo uu Allah Shuhado u doortay, kana dhex xushay khalqiga dhexdooda, Shalay waxay Umaddu sagootisay Amiirul Mu’miniin Al-Mulla Cumar Raximahullaah, kadib markii ay geeridu u timid isagoo Muraabid ah oo Jidka Allah ku dagaallamaya, oo xanuun la daala dhacaya, ma niyad jebin, mana daciifin, kumana uusan raalli noqon inuu diintiisa liidnaan dhaafsado….

Maantana waxay Umaddu sagootineysaa Al-Mulla Ikhtar Mansuur Raximahullaah, isagoo ku sugan dariiqa Salafkiisii ka horreeyay, ku dhagan islaam-nimada, kuna ribaadaya Thuguurta Jihaadka, wuxuu si cad u sheegay inuusan nabad gelineynin Cadowga Allah ee Saliibiyyiinta ah inta ay xoogga ku heystaan Afghanitan, wadahadal-na uusan la galeyn Cadowga illaa inta laga hoos harsanayo Shareecada islaamka, iyo in Mujaahidiinta Daalibaan aysan dagaalka joojineyn inta uu gumeystaha ka baxayo, Shareecaduna ay markale kusoo noqoneyso Xukunka Dalka Afghanitan”.

Mujaahidiinta Al-Qaacidda waxay Bayaankooda ku sheegeen in Al-Mulla IkhtarMansuur iyo walaalihiisa kale ee Daalibaan ay dib usoo nooleeyeen mawaaqiftii Cizzada lahaa ee Al-Mulla Muaxamed Cumar, waxayna ku amaaneen inay ku sii socdeen dariiqa Jihaadka iyo dagaalka, iyagoo wacdaro u dhigay Saliibbiyyiinta iyo daba dhilifyadooda, islamarkaana uu Caalamka oo dhan wada arkay sida uu Shacabka Muslimka ah ee reer Afghanistan uga guuleysanayo awoodda kibirka is bidday ee Mareykanka, una insixaabayaan iyagoo jiidaya ceeb iyo guul darro.

“Muslimiinta waxaa laga dilay hogaamiye weyn iyo Amiir hal door ah, laakiin waxaa Cazaa noogu filan in la dilay isagoo sugan, Allahna uu la kulmay isagoo aan madixiisa gaal u raaricin, oo aan hoojin Umaddiisa iyo Shacabkiisa, dilkiisu waa tusaale ay Umaddu ku faaneyso, iyo halku dhig Umadda Muslimka ah ku riixaya Jihaad iyo Naf hurid dheeraad ah, si ka duwan waxa ay Cadowga Allah doonayaan, dhiigga iyo Qaadada Shuhadada waa Shidaalka dagaalka, dilka Umaraduna waa billowga Macrakada”. Ayaa lagu yiri Bayaankaasi.

Ugu dambeyntii waxaa Bayaankan lagula hadlay Mujaahidiinta ka dagaallamaya daafaha kala duwan ee Caalamka islaamka, iyadoona lagu yiri : “ kan waa dariiqa Jihaadka ee aad heysaan, Istish-haadka qaadadeenuna waxay ka tarjumeysaa Sidqiga dacwadeenna, Nasrigana waxaa lagama maar maan ah in loo huro Nafta iyo ruuxda, Qaadada Jihaadkuna maanta waxay taagan yihiin Safka hore ee dagaalka, inta uu la ekaado nafhurnimada ay sameeyaan ayuuna Nasrigu jiraa -Bi’idnillaah- Ku sugnaada dariiqa Jihaadka, Mugdiga habeenkiina waxa uu sii ziyaadayaa marka uu Waabarigu soo dhawaado”.

Comments are closed.