Dagaal Saacad Ka Badan Socoday Oo Muqdisho Ka Dhacay.

mujaahidiinta alshabaab dagaal hubka garbahaCiidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaala culus oo saf ballaaran ah ay ku qaadeen qaar ka mid ah isbaarooyinka iyo fariisimaha maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.

Dagaalada oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxey si gaar ah kaga dhaceen Biya dega xaafada Suuqa Xoolaha’Warshadii hore ee Nacnaca iyo nawaaxiga isgoyska Soos ee magaalada Muqdisho.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho’iyadoona dagaalka oo bilowday saqdii dhexe ee xalay uu socday inka badan hal saac.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka’waxaa sidoo kale markii dagaalka uu soo gaba gaboobay dhowr bam gacmeed lagu tuuray isbaarada maleeshiyaatka Ridada ee Biyo dega Suuqa Xoolaha.

Dagaalkan ayaa noqonaya midkii ugu cuslaay ee mudooyinkii dambe ka dhacay gudaha magaaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.