Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka OO Lagu Weeraray Bakool Iyo Sh/hoose.

maleeshiyaatka Ridada 128 saxCiidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaadeen isbaarada maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay dhigteen deegaanka Siinka dheer ee degmada Lafoole.

Goobta isbaarada waxaa ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafado ka tirsan Muqdisho iyo degmada Lafoole.

Dhanka kale ciidamada Muslimiinta waxey weerar qorsheysan ku qaadeen maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta oo kasoo baxay degamada Xudur ee gobalka Bakool.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weerarka ka dhacay duleedka degmada Xudur lagu dilay 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada’sidoo kale dagaalka waxaa lagu dhaawacay 5 askari oo isla murtadiinta ah.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin hub ku qabsadeen weerarkaasi ka dhacay duleedka degmada Xudur.

Calamada.com

Comments are closed.