Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Qaraxyo Ka Dhacay Duleedka Boosaaso.

galgalaGuutada Qaraxyada ee Mujaahidiinta Buuraha Golis ayaa maanta qaraxyo mataana ah la eegtay maleeshiyaad ka tirsan maamulka Ashahaada la dirirka ee Puntland xilli ay ka soo baxayeen deegaanka galgala ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyey in laba qarax lala eegtay Kolonyo ka soo ambabaxday deegaanka galgala ee duleedka magaalada Boosaaso, Islamarkaana qasaare culus halkaas lagu gaarsiiyey.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo mataana ah ayaa Saraakiishu waxay sheegeen in midka hore lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, islamarkaana gabi ahaanba uu gaariga halkaas ku burburay.

Qaraxa labaad ayaa isna waxaa lala eegtay ciidamo kale oo u soo gurmaday gaariga la qarxiyey si ay halkaas kaga daadgureeyaan meydadka iyo dhaawacyada, Waxaana la sheegay in halkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ciidamadii soo gurmaday ka dib markii qarax kale oo aad u xoogan lala kiciyey.

Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in ugu yaraan 17 askari ay ku dhinteen qaraxyadaas, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, islamarkaana ay suuragal tahay in qasaaraha uu intaas ka sii bato.

Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala gobolka Waqooyi-Bari ayaa waayadii dambe kordhiyey weerarada qaraxyada ah ee ay ku beegsanayaan maleeshiyaadka murtadiinta ee fariisimaha ku leh deegaanada dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Comments are closed.