Sh. Abuu Mucab Oo Ka Hadlay Weeraradii Muqdisho Iyo Qaraxyadii Galgala.

abuu-muscab-25Afhayeenka ciidanka Mujaahidiinta, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa wareysi uu goordhow siiyey Idaacada Islaamiga Andalus kaga warbixiyey dagaaladii xooganaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhexeeyey ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta.

Sheekha ayaa faafaahin ka bixiyey qasaaraha maleeshiyaadka murtadiinta ka soo gaaray dagaaladaas iyo goobaha sida gaarka ah ay u beegsadeen geesiyada Islaamka.

Wuxuu sheegay in ku dhawaad 10 maleeshiyaad ah oo uu ku jiro Sarkaal sare in lagu dilay dagaaladaas, islamarkaana ay ahaayeen dagaallo aad u culus oo waayadan uusan horay u arag cadowga.

Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale ka warbixiyey qaraxyo mataana ahaa oo barqanimadii maanta maleeshiyaad ka tirsan maamulka Ashahaada la dirirka ee Puntland lagula eegtay deegaanka Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay in qaraxyadaas lagu dilay ugu yaraan 17 askari, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale, isagoona sheegay in cadowga halkaas looga burburiyey hal gaari, kuwo kalena ay waxyeelo soo gaartay.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Abuu Muscab.

Xigasho Telegramka Radio Andalus.

Calamada.com

Comments are closed.