Faahfaahino Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Ceel-cali.

kamiinWarar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay duleedka degmada Ceel-cali ee gobalka Hiiraan ku dhexmaray ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Kufaarta Xabashida Itoobiya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Mujaahidiinta ay weerar culus ku qaadeen kolanyo ka tirsan Kufaarta Xabashida oo dhaqdhaqaaqyo ka sameysnayay duleedka degmadaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka Xabashida Itoobiya looga waxyeeleeyay gaari nooca Booyada ah’iyadoona warar hoose ay sheegayaan iney sidoo kale jiraan khasaara nafeet oo Xabashida lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli inka badan 60 askari Xabashida Itoobiya looga dilay dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Halgan ee gobalka Hiiraan.

Calamada.com

Comments are closed.