Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarka Hoteel Naasa Hablood.

Naasa hablood 4Waxaa sii xoogeystay dagaalka culus ee ka socda gudaha iyo banaanka hoteelka Naasa Hablood ee magaaladan Muqdisho’iyadoona sidoo kale qarax labaad oo aad u xoogan uu ka dhacay albaabka hore ee hoteelka.

Hoteelkan waxaa galinkii dambe ee maanta weerar xoog ku gal ah ku qaaday katiibada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’iyadoona ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta hoteelka.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha hor dhaca ah ee ka dhashay dagaalka culus ee imika ka socda gudaha iyo banaanka hoteelka.

Maleeshiyaatka Ashahado la dirirka dowlada federaalka ayaa xiray wadooyinka soo gala hoteelka kuwaasi oo diidan in warbaahinta ay hesho khasaaraha hor dhaca ah ee weerarka.

Lasoco Waxii Kusoo Kodha.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.