Dhageyso Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Gobalka Galgaduud Iyo Sheekh Xasan Yacquub Oo Ka Hadlay.

sh xasan yacquub caliSaacadihii lasoo dhaafay waxaa deegaan hoostaga degmada Galcad ee gobalka Galgaduud ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona dagaalka uu sigaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaaba Ceel-hareeri.

Waaliga WIilaayada Islaamiga Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa ka warbixiyey weerar saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu ku qaadeen deegaanka Ceel-Hareeri ee duleedka degmada Galcad kaas oo lagu dilay askari dhowr ah, laguna soo ganiimeystay gaari nooca dagaalka ah.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacada Islaamiga Andalus ayuu Sheekh Xasan Yacquub Cali, Waaliga WI Galgaduud ku faahfaafiyey weerarkii gelinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaanka Ceel-Hareer, Wuxuuna sheegay in weerarkaas lagu dilay ilaa 7 askari, laguna dhaawacay tiro kale.

Wuxuu sidoo kale sheegay in gaari Cabdi bile ah oo uu saarnaa qoriga Dhashiikaha laga qabsaday Murtadiinta intii uu dagaalku socday. Wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadka laga saaray deegaanka, uuna firxadkooda gaaray degmada Galcad halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya.

Maleeshiyaadka maanta lagu weeraray deegaanka Ceel-Hareeri ayaa ka mid ah kuwa maalmahan lagu diyaarinayey deegaanadaasi oo soo hubeeyeen ciidamada Itoobiya si ay ula dagaalamaan Mujaahidiinta balse maanta ayuu alle ku cadaabay gacmaha Mujaahidiinta.

Waaliga ayaa sheegay in  maleeshiyaadkan maalmahan lagu diyaarinayey duleedka Galcad ayna ka warhayeen Mujaahidiinta, islamarkaana maanta uu ku habsaday weerar culus  oo kaga yimid Mujaahidiinta, ayna mar waliba la kulmi doonaan weeraro ilaa ay ka towbadkeenaan.

Waaliga ayaa baaq towbadkeen ah u diray Maleeshiyaadka Murtadiinta ee adoomada u ah xabashida Itoobiya.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Galgaduud.

Calamada.com