Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Dilka Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka.

???????????????????????????????Waxaa isa soo taraya wararka dheeraadka ah ee kasoo baxaya dilka saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho loogu geystay agaasimhii wasaaradda gaadiidka ee dowlada Ridada federaalka.

Dilka sarkaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay xafiiska wasaarada ee degmada Shangaani’iyadoona wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in agaasimaha si bareer ah uu u toogtay mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Agaasimaha la dilay ee Murtadka ah ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Cali Caanood’iyadoona askarigii dilka geystay aan la ogeen sababta uu u toogtay agaasimaha.

Ma ahan markii ugu horeysay oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka si bareer ah u dilaan saraakiisha ay ka amar qaataan taasi oo soo laablaabashadeeda sabab looga dhigay saraakiisha oo si joogta ah u cuna gunadii ay lahaayeen maleeshiyaatka ay u taliyaan.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.