Weerar Ka Dhacay Jaziirada Lamu Ee Dalka Kenya.

Kenya LamuCiidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala gobolka xeebta ee Lamu ayaa barqanimadii maanta weerar kamiin ah u dhigay Kolonyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo ku socdaalayey deegaano ka jirsan jaziirada Lamu sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Milimaani oo ka tirsan Jaziirada Lamu, Iyadoona halkaas qasaare xoog leh lagu gaarsiiyey Kolonyada cadowga.

Sidoo kale Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xaley weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ciidan oo Kufaarta Kenya ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Mangai oo ka tirsan isla Jaziirada Lamu.

Weerarkan ayaa isna socday in muddo ah waxaana cadowga lagu gaarsiiyey qasaare kala duwan.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa iyagoo saalimiin ah dib ugu soo noqday saldhigyadooda ka dib markii howlgalka uu soo dhamaaday sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Mujaahidiinta.

Weeraradan ayaa qeyb ka ah silsilado weeraro ah oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay Mujaahidiintu ka fulinayeen gobolka Xeebta iyo deegaanada NFD ee ku hoosjira gumeysiga.

Xigasho Telegramka Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.