Gaari Booyad Ah Oo Lagu Gubay Gobalka Shabeelada Hoose.

Booyad25Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo ku socdaalayay duleedka degmada Afgooye.

Kamiinka kolanyada loo dhigay waxey ku socdaalayeen wadada isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Laanta Buura ee gobalka Shabeelada hoose’iyadoona kamiinka markii dambe uu isku badalay dagaal culus.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi dhabba galka ah lagu gubay gaari Booyad ah oo biiyo ay ku wateen maleeshiyaatka dowlada taasi oo loo waday maleeshiyaatka ku sugan xerada Laanta buura ee duleedka degmada Afgooye.

Sidoo kale waxaa jira tiro ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday kamiinkaasi ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Calamada.com

Comments are closed.