Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Gobalka Bakool.

dagaal mujaahidiinta 5165Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku qaaday difaacyada Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen mid ka mid ah deegaanada gobalka Bakool ee dhaca Konfur Galbeed ee dalka Somali.

Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Buurdhuxulle ee hoostaga degmada Waajid’iyadoona dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Bakool’iyadoona dadka deegaanka ay warbaahinta u xaqiijiyeen in dagaalkii xalay uu ka mid ahaa dagaaladii ugu cuslaay ee mudooyinkii dambe ka dhacay deegaankaasi.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha askarta Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin kasoo gaartay dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Buurdhuxulle.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan kamiin ka dhacay duleedka degmada Ufurow ee gobalka Baay khasaara culus lagu gaarsiiyay ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.

Calamada.com

Comments are closed.