Ku Dhawaad 10 Askari Kenyaati Ah Oo Lagu Dilay Jaziirada lamu.

Kenya-KDFWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar dhabagal ah oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u dhigeen Kolonyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Kenya oo ku socdaalayey deegaano ka tirsan Jaziirada Lamu.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow deegaanka la yiraahdo Milimaani oo ka mid ah deegaanada hoosyimaada Jaziirada Lamu, Waxaana ka dhashay Qasaare kala duwan.

Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada Kufaarta Kenya ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkaas, tiro kalena lagu dhaawacay.

Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in weerarka lagu beegsaday gaadiid dhowr ah balse ay ciidamada Mujaahidiinta si gaar ah u bartilmaameedsadeen gaari kuwa xamuulka qaada oo ay la socdeen ciidamo badan kaas oo Mujaahidiintu ay si ba’an ugu fureen rasaasta.

Waxaa la xaqiijiyey in ugu yaraan lix askari oo saarnaa gaarigaas lagu dilay weerarka, tiro kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in waxyeelo xoogan ay soo gaartay gaarigaasi oo noociisu uu ahaa kuwa ciidanka daabula.

Weeraradan ayaa qeyb ka ah silsilado weeraro ah oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay Mujaahidiintu ka fulinayeen gobolka Xeebta iyo deegaanada NFD ee ku hoosjira gumeysiga.

Xigasho Telegarmka Radioandalus.

Halkan Ka Booqa Telegramka Radioandlaus.

Calamada.com

Comments are closed.