Dhageyso Ciidamada Mujaahidiinta Oo Nolasha Ku Qabtay Askari Ka Tirsan Dowlada Federaalka.

askari murtadWararka ka imaanaya gobalka Baay ayaa sheegaya in barqo nimadii maanta dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka Murtadiinta ee kabo qaadka u ah ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya uu ka dhacay duleedka degmada Buurhkabo ee gobalka Baay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo kasoo baxay degmada Buurhakabo ay isku dayeen iney dhac iyo boob ka geystaan mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.

Ciidamada Mujaahidiinta ee ku sugan duleedka degmada Buurhakabo ayaa weeraray maleeshiyaatkii kasoo baxay Buurhakabo’iyadoona maleeshiyaatka dowlada ay ku fashilmeen qorshihii ay u soo baxeen.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay nolasha ku qabteen askari ka tirsanaay maleeshiyaatka dowlada ee kasoo baxay degmada Buurhakabo’iyadoona askariga la qabtay uu wata qori iyo booshkiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta ay duleedka degmadaasi ku gowraceen askarigii ay nolasha ku qabteen kaasi oo ka mid ahaa maleeshiyaatkii doonayay iney boob ka geystaan duleedka degmada Buurhakabo ee gobalka Baay.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.

Calamada.com

Comments are closed.