Yahuud Lagu Dhaawacay Howl-gal Kaligii-duulnimo Oo Ka Dhacay Daanta Galbeed.

yahuuda1Laba ruux oo Yahuud ah ayaa la kulmay dhaawacyo halis ah, kadib markii Nin dhallinyaro ah oo Filastiini ah uu weeraray deegaanka lagu magacaabo Karyaat ee ku dhow magaalada Al-Khaliil ee Daanta galbeed ee dhulka Filastiin.

Telefeshinka Tobnaad ee Yahuudda ayaa sheegay in ruux Filastiini ah oo Mindi ku hubeysanaa  inuu tooriyeeyay Nin Yahuudi ah iyo gabar uu dhalay, xilli ay ku sugnaayeen meel ku dhow gurigooda, iyadoona Kooxo Yahuud ah ay durbadiiba toogasho ku dileen Ninkii Filastiiniga ahaa ee weerarkaas fuliyay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Sahyuuniyadda oo weerarka kaligii-duulnimada ah kadib goobta soo gaaray ayaa sheegay in la aqoonsaday ruuxa Filasiiniga ah ee howl-galkaasi qaaday, waxayna sheegeen inuu ahaa Wiil 17 jir oo kasoo jeeda tuulada Banii Naciim ee hoostagta magaalada Al-Khaliil.

Dhinaca kalena Dowladda daba dhilifka ee Masar ayaa sheegtay in muddo Shan maalmood ah ay fureyso Marinka Rafax ee sooh-dinta la wadaaga Jiidda Gaza ee Dhulka Filastiin, halkaas oo sidoo kale ah meesha kaliya ee laga geli karo deegaannada Jiidda Gaza,kadib markii Yahuuddu ay Sanado ka hor go’doomiyeen deegaanadaasi.

War ay soo saartay Masar ayaa waxay ku sheegtay in dadka xanuunsanaya iyo kuwa ay heystaan xaaladaha gaarka ah oo kaliya loo ogolaan doono in Shantaas maalmood ay ka gudbaan Marinka Rafax, iyadoona 23 maalmood laga joogo markii ugu dambeysay ee Xukuumadda Al-Qaahira ay furtay Marinkaasi.

Marinka Rafax ee isku xira Dalka Masar iyo Jiidda Gaza ee dhulalka Filastiiiyiinta ayaa xiran tan iyo bishii July ee Sannadkii 2013-kii, waxaana Xukuumadda daba dhilifka u ah Yahuudda ee uu hoggaamiyo Cabdul-Fataax As-siisii ay sheegtay inay Marinkaas u xirtay arrimo xagga amniga ah, hase yeeshee Malaayiin ruux oo Muslimiin ah oo  ku go’doonsan Jiidda Gaza ayaa marinka Rafax waxa uu ahaa dhabbaha kaliya ee ku xira dunida inteeda kale, kadib markii Yahuuddu ay Jiidda Gaza ka go’miyeen dhulka, cirka iyo badda.

Comments are closed.