Askar Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Hiiraan Lagu Dilay.

degmada-HalganSaacadihii lasoo dhaafay waxey rag hubeysan gudaha degmada Halgan ee gobalka Hiiraan ku dileen labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Dilka labada askari waxa uu sigaar ah kaga dhacay Suuqa xoolaha ee degmada Halgan’iyadoona raggii dilka geystay horay ay u qaateen qorigii uu watay mid ka mid ah labadaasi askari.

Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmada Halgan ayaa gabi ahaan sameynin wax gurmad ah’iyadoona meydadka askarta la dilay muddo daqiiqado ah ay yaaleen goobta lagu dilay oo ah suuqa lagu iibiyo xoolaha nool ee degmadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labadan askari mid ka mid ah isagoo dhaawac ah laga soo qaaday suuqa Xoolaha balse daqiiqado kadib uu geeriyooday.

Degmada Halgan ee gobalka Hiiraan waxaa bishii hore ee Ramadaan ka dhacay dagaal lagu dilay inka badan 60 askari oo Itoobiyaan ah.

Calamada.com

Comments are closed.