Cali Cadow Oo Lagu Dilay Gudaha Magaalada Muqdisho.

saraakiil murtadiin ahRag hubeysan waxey saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Dilka sarkaalka waxaa geystay rag biskoolada ku hubeysan kuwaasi oo sarkaalka ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta uu ku geeriyooda.

Sarkaalkan waxa uu ka tirsanaay dhanka gaadiidka ee saraakiisha booliska dowlada Ridada federaalka kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Cadow Maxamuud.

Raga dilka geystay ayaa si nabad ah goobta kaga dhaqaaqay’waxaa ugu dambeyntii meydka sarkaalka goobta ka qaaday maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka gaar ahaan kuwa ka howlgala gudaha degmada Kaaraan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in sarkaalkan la dilay hadda ku magacownaay taliyaha maleeshiyaatka Booliska dowlada Ridada federaalka ee degmada Galcad oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

Magaalada Muqdisho waxaa si xiriir ah kaga dhaca dilal qorsheysan oo lala beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka dilalkaasi oo ay geystaan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.