Weeraro Ka Kala Dhacay Gobalada Bakool Iyo Sh/hoose.

Mujaahidiinta dagaal leegoWararka ka imaanaya gobalka Bakool ee dhanka Konfur Galbeed ee dalka Somali waxeey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus uu ka dhacay duleedka degmada Xudur oo ah xarunta gobalka Bakool.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago taasi oo la kacday gaari Cabdi bilaha ah oo ay la socdeen maleshiyaatka Murtadiinta maamulka Shariif Sakiin oo ah maamul u adeega dowlada Kufriga Xabashida Itoobiya.

Gaariga Cabdi bilaha ah ee miinada ay la kacday ayaa kasoo baxay degmada Xudur kaasi oo ku siijeeday deegaanka Moora gaabey oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Xudur.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa burbur xoogan gaarsiiyay gaariga’waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay saddex askari oo ka mid aha maleeshiyaatkii la socday gaariga la qarxiyay.

Dhanka kale ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay weerar ku qaadeen goob isbaara ah oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay dhigteen duleedka degmada Afgooye.

Maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa bilowgii weerarka isaga cararay goobta isbaarada kuwaasi oo orod ku galay degmada Afgooye.

Ciidamada Xarakad Shabaabul Mujaahidiin ayaa gabi ahaan burburiyay isbaarada’waxeyna goobtaan aheed isbaara maleeshiyaatka Murtadiinta si aad ah ugu dhibaan dadka iyo gaadiidka safarka ah.

Calamada.com

Comments are closed.