Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Weerarka Xarunta CID-da.

CID-da QaraxyadaIyadoo saaka labo qarax oo aad u xoogan lagu weeraray xarunta dambi baarista dowlada Ridada federaalka ee CID-da waxaa isa soo taraya wararka dheeraadka ah ee laga helayo weerarkaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarka lagu daahfuray labo qarax oo gaadiid loo adeegsaday kuwaasi oo lala beegsaday xarunta CID-da dowlada Ridada federaalka oo ku taala kasoo horjeedka Hoteel Saxafi ee degmada Hodan.

Andalus ayaa intaasi raacisay in qaraxyada kadib labo walaal oo ka tirsan Guutada Istish-haadiyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay gudaha u galeen xarunta’waxaa gudaha xarunta ka dhacay dagaal muddo socday oo dhexmaray Mujaahidiinta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka ayaa sheegaya in dhimashada ay kor u dhaafeysa inka badan 12 isugu jirta saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Intii uu socday howlgalka xarunta CID-da waxey sidoo kale rag hubeysan oo ka tirsan Xarkada Shabaabul Mujaahidiin xaafada Suuq yaraha degmada Dharkenley ku dileen Abuukaata ka tirsanaay dowlada Ridada federaalka kaasi oo lagu magacaabi jiray Muxamed Sheekh Saalax.

Calamada.com