Faahfaahino Laga Helayo Weerar Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

kismaayo eleboorkaggWararka ka imaanaya gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta duhurkii ka qarxeen deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 40 KM dhanka galbeed uga beegan magaalada dekadda leh ee Kismaayo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Nasaarada Kenya oo ay taageerayaan ciidamo gaalo Mareykan ah ay duullaan xooggan ku qaadeen deegaanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeeyay Beerxaani kadibna ciidamo lugta ah oo isugu jira Nasarada Kenya iyo Mareykan ayaa gudaha u galay Beerxaani.

Goob joogayaal ayaa sheegay in cadawga wadajirka ah markii uu galay magaalada uu ku dhaqaaqay falal cadawtooyo ah sida burburinta guryo dad shacab ah leeyihiin.

Muddo 40 daqiiqa ah Kadib markii ciidanka Nasaarada Kenya iyo kuwa Nasaarada Mareykanka ay falal qarbudaad ah ka wadeen Beerxaani ayay ciidamada Xarakada  Mujaahidiinta Al Shabaab waxay deegaanka ku qaadeen weeraro dhowr jiho ah.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaal saacad qaatay kadib ay ciidamada huwanta ah isaga carareen deegaanka, boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ciidanka Kenya iyo kuwa Mareykanka ku eryaday wadada jid caddaha ah ee xiriirisa Kismaayo iyo Beerxaani.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laba qarax lala helay kolonyada ciidanka is bahaysanayay ee weerarka qaaday, qarax ciidanka Nasaarada Kenya ku qabsaday halka loo yaqaan ( gaaboow gabdhoole) ayaa dhaliyay khasaara xooggan wuxaana ku gubtay gaari nuuca gaashaaman ah.

Qarax kale oo maleeshiyaadka Murtad Axmed Madoobe ku qabsaday duleedka Kismaayo ayaa looga gubay gaari Cabdi Bile ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka gaalada huwanta ah ay gudaha u galeen Kismaayo kadib markii ay si toos ah ugu jabeen duulaankii ay kusoo qaadeen deegaanka Beerxaani.

Waa Markii 2-aad oo deegaanka Beerxaani uu weerar kala kulmo ciidamada Nasaarada Mareykanka iyo kuwa Nasaarada Kenya intii lagu guda jiray bisha July 2016.