Dhageyso Idaacada Andalus Oo Xarun Cusub Furatay.

andalus loogada-facebookaMunaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Bu’aala ee wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka waxaa xariga looga jaray xarun cusub oo FM ah oo Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ay ka furatay magaaladaasi.

Munaasabada waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka kala socotay wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka iyo Idaacada Islaamiga ah ee Andalus iyo qaar ka mid ah culimada’Odayaasha iyo qeybaha bulshada ee magaaladaasi.

Taariikhda inta la xasuusta waa markii ugu horeysay oo Idaacad laga hirgaliyo magaalada Bu’aala’iyadoona qeybaha bulshada ku dhaqan degmadaasi ay si weyn usoo dhaweeyeen xarunta cusub ee Idaacada Andalus ay ka furatay magaaladaasi.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Furitaanka Xarunta Andalus Ee Magaalada Bu’aala.

Calamada.com

Comments are closed.