Qarax Culus Oo Ka Dhacay Magaaalda Muqdisho.

qaraxa muqdisho2546Qaraxan oo ahaa mid aad u culus islamarkaana dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdishi iyo qeybo ka mid ah duleedyada magaalada ayaa goordhaw ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdul Caziiz.

Qaraxa ayaa lala beegsaday hoteel lagu magacaaba Banaadir Beach oo ah hoteel ay deganyihiin saraakiil cadaan ah oo Turki u badan kaasi oo ku yaala gudaha xeebta Liido.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya rasaas culus oo laga maqlayo gudaha hoteelka’iyadoona uu sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Lasoco Waxii Kusoo Kordha.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.