Sarkaal Lagu Dilay Degmada Waabari.

saldhiga WaabariRag hubeysan waxey gudaha degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaay dowlada Ridada federaalka gaar ahaan kuwa nabadsugida’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka sarkaalka.

Ragga hubeysan ayaa sarkaalka ka toogtay qeybaha sare ee jirka xilli uu marayay halka ay iska galaan degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta uu ku dhinta.

Ragga dilka geystay ayaa la xaqiijiyay iney si nabad ah goobta kaga baxsadeen’waxaa markii dambe meydka sarkaalka goobta ka qaaday maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka.

Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli isku day dil ay ka badbaadeen gudoomiya ku xigeenka degmada Hurwaa iyo taliyaha saldhiga Hilwaa kadib markii qarax bam lagula beegsaday xaafada Suuqa Xoolaha’waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.