Qarax Ka Dhacay Jaziirada Lamu.

lamu kamiin522Wararka ka imaanaya jaziirada Lamu oo ah dhulka Kenya xooga kaga heysata dadka Muslimiinta ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus uu ka dhacay qeybo ka mid ah jaziiraddaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago ayaa sheegaya in lala beegsaday gaari nooca Laaroobalka ah oo ay la socdeen xubno ka tirsan dowlada Nasaarada Kenya.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Kiunga oo ah deegaan dhaca xad beenaadka u dhaxeeya Jaziirada Lamu iyo Somalia.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in gaariga qaraxa lala beegsaday ay la socdeen saddex xubnood oo ka tirsan dowlada Nasaarada Kenya kuwaasi oo mid ka mid ah qaraxa ku dhintay’iyadoona labada kale ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Calamada.com