Askar Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday.

Maleeshiyaatka Ridada GaariSaacadihii lasoo dhaafay waxey dagaala culus iyo qaraxyo ka kala dhaceen qeybo ka mid ah gobalada Hiiran’Gedo iyo Shabeelada hoose.

Qaraxa ka dhacay Shabeelada hoose waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka xero agoonta degmada Afgooye’iyadoona qaraxa lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kaasi oo sababay khasaara soo gaartay maleeshiyaatka la qarxiyay.

Dhanka kale labo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa ku dhaawacmay  qaraxa miino loogu aasay goob isbaara u ah oo ku taala degmada Ceel-cali ee gobalka Hiiraan.

Dhanka kale waxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kasoo gaartay dagaal culus oo iyaga iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku dhexmaray duleedka degmada Buurdhuuba ee gobalka Gedo.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkaasi ayaa sheegaya in lagu dilay dagaalka saddex askari Lix kalane waa lagu dhaawacay oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Calamada.com

Comments are closed.