Dhageyso Sheekh Abuu Muscab Oo Ka Hadlay Weerar Lamu Ka Dhacay.

abuu-muscab-22Afhayeenka ciidamada mujaahidinta xarakada alshabab Sh.C/casiis Abuu Muscab ayaa mar uu wareysi siiyay idaacadda Andalus ayuu ku faafaahiyay howlgallo kala duwan oo saacadihi lasoo dhaafay kadhacay qaar kamid ah wilaayada dalka iyo gudaha dalka kenya.

Abuu Muscab afhaayenka ciidanka mujaahidinta ayaa xaqiijiyay in weerarki qaraxa ahaa ee kadhacay deegaan kudhow jaziirada Laamu lagu gubay gaari nooca PAJERO ah oo ay lasocdeen saraakil iyo xubno katirsan dowlada gaalada ah ee kenya.

Afhayeenka ciidanka ayaa sheegay in labo sarkaal ay kudhaawacmeen qaraxaasi ayna sidoo kale kudileen siyaasi golaha deegaanka ah oo usharaxnaa jazeerada Laamu

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa bogaadiyay howlgalada xiriirka noqday ee ciidamada mujaahidinta ay ka fulinayaan degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasoo lagu laayay askar Iyo saraakiil ka tirsan cadowga.

Dhageyso Wareysiga Sh Cabdul Casiis Abu Muscab.

Xuquuqda Warbixinta Iyo Codka Waa Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.