Dhageyso Fadliga Tobanka Hore Ee Bisha Dul-xijjah Iyo Sheekh Cali Katiin.

fadel-ayam-3shr-thyalhejjaIyadoo maalinta barito ah tahay 1-da bisha Dil-xijah waxey culimada Soomaaliyeed ugu baaqeen bulshada Muslimka Soomaaliyeed iney ka faa’ideystaan fadliga iyo kheyraatka ka buuxa tobanka hore ee bisha Dul-xijah.

Sheekh Cali Katiin oo ka mid ah culimada Somaliyeed kuwooda Muwaxidiinta ah oo la hadlay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus waxa uu si aad ah kaga hadlay fadaa’isha kitaabka iyo sunada ay ka warameen ee ka buuxa tobanka hore ee bisha Dil-xijah.

Sheekha ayaa ugu baaqay in bulshada Muslimka ka faa’ideysato fadaa’isha tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Dil-xijah oo ka mid ah fursadaha qaaliga ah ee Allaah uu siiyay adoomadiisa Muslimiinta ah.

Halkan Ka Dhageyso Kalimada Sheekh Cali Katiin.

Calamada.com

Comments are closed.