Faahfaahino Laga Helayo Qarax Ka Dhacay Beledweyne.

beledweyneWaxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kasoo gaartay qarax saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa bamka nooca gacanta laga tuura ayaa lala beegsaday maleeshiyaat ku qayilayay qeybo ka mid ah Bariga magaalada Beledweyne.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo qaarkood dhaawacyadooda culusyihiin.

Qaraxa kadib waxey maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka fureen rasaas fara badan’iyadoona si rasmi ah aan loo xaqiijin karin khasaaraha dadka shacabka kasoo gaartay rasaastaasi.

Degmada Beledweyne waxey ka mid tahay goobaha shisheeyaha duulaanka kaga suganyihiin Konfurta iyo bartamaha dalka Somali.

Calamada.com

Comments are closed.