Askar Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Qarax Lagu Dilay.

Kaaraan-BoolisQarax aad u xoogan oo si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada muqdisho ayaa saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago taaasi oo lagu aasay goob isbaara u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo ku taala gudaha degmada Kaaraan.

Xilliga qaraxa waxaa goobta isbaaradaha ku sugnaay 10 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 9 askari islamarkaana uu ku dhaawacmay hal askari taasi oo ka dhigan ineysan jirin wax ka badbaaday qaraxa marka laga hadlayo guud ahaan maleeshiyaatkii Murtadiinta ee goobta isbaarada ku sugnaay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhisay weerarada ka dhanka ah dowlada federaalka iyo kuwa Kufaarta ee ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.