Mujaahidiinta Oo Tiro Madaafiic Ah Ku Garaacay Xerada Xalane Ee Muqdisho.

xalane cusubGuutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ayaa goordhow weerar xoogan oo madaafiic ah ku garaacay xerada Xalane ah oo ah taliska ugu weyn ee kufaarta Afrikaanta ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan mujaahidiinta ayaa Idaacada Islaamiga Andalus u xaqiijiyey weerarka, wuxuuna tilmaamay in dhowr gantaal lagu weeraray xerada kuwaas oo badankood ku dhacay gudaha dhismaha xarunta.

Waxaa jira qasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo cadowga ka soo gaaray weerarka balse ilaa hadda lama hayo tira cayiman maadama weerarka uu goordhow dhacay.

Saraakiisha mujaahidiintu waxay noo sheegeen in ugu yaraan sideed gantaal lagu dhuftay xerada, islamarkaana halyeeyada weerarka fuliyey ay si nabadgalyo ah ugu soo noqdeen xarumahooda.

guutada madaafiicda ee Mujaahidiinta ayaa dhowrjeer weeraro noocan oo kale ah ka fuliyey magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu beegsaday xarumaha ugu muhiimsan ee cadowga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho sida madaxtooyada iyo xarunta Xalane ee hooyga u ah kufaarta soo duushay.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo maanta sidoo kale magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax aad u xoogan oo lagu beegsadya maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta kuwaas oo ku sugnaa meel isbaaro ah oo ku taalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 9 askari oo ka tirsanaa murtadiinta ayaa lagu dilay qaraxaas, mid kalena waa lagu dhaawacay sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Mujaahidiinta.

Weeraradan ayaa imaanaya iyadoo dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ay mujaahidiintu kordhiyeen weerarada qorsheysan iyo kuwa toos ah ee ka dhan ah murtadiinta iyo saaxiibadooda Kufaarta Afrikaanta.

XIGASHO: Telegramka Andalus