Mas’uul Sare Oo Dowlada Federaalka Muqdisho Looga Dilay.

muqdishoRag hubeysan oo ka tirsan guutada iqtiyaalaadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku khaarijiyey Sarkaal sare oo ka tirsanaa wazaarada Maaliyadda ee kooxda ridada Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta.

Howlgalkan ayaa ka dhacay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu khaarijiyey Maxamed Axmed Xasan oo ahaa mas’uul sare oo ka tirsanaa wazaarada maaliyadda ee kooxda ridada Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ayaa idaacadda Andalus u sheegay in weerarka ay fuliyeen cutubyo ka tirsan guutada Iqtiyaalaadka ee Mujaahidiinta, islamarkaana howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Halyeeyada fuliyey weerarka ayaa si nabadgalyo ah kaga soo tagay goobta ka dib markii uu howlgalku dhacay, mana jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen cadowga.

Weerarkan ayaa noqonayaa midkii saddexaad oo maanta oo kaliya ay mujaahidiintu ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan sagaal askari oo ka tirsan murtadiinta ayaa subaxnimadii hore ee saaka lagu dilay degmada Kaaraan ka dib markii qarax xoogan uu ka dhacay meel isbaaro ah oo ay ku soo xoormeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta.

Wax yar un ka dib Qaraxaasna, weerar loo adeegsaday gantaallo ayaa lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah hooyga ugu weyn ee Kufaarta Afrikaanta ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Xigasho Telegramka Radioandalus.com

Calamada.com

Comments are closed.