Dhageyso Askari Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Nolasha Lagu Qabtay.

askari axmed madoobeWararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay duleedka degmadaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Mujaahidiinta ay weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo kasoo baxay degmada Diinsoor islamarkaana doonayay iney dhac ka geystaan deegaanka Misire oo hoostaga degmadaasi.

Weerarka dhabba galka ah ayaa markii dambe isku badalay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaasi ciidamada Mujaahidiinta ay ku qabteen askari ka tirsan dowlada Ridada federaalka oo nool balse dhaawac uu soo gaaray.

Sidoo kale Radio Andalus oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa intaasi ku daray in ugu dambeyntii ciidamada Mujaahidiinta ay dileen askariga ay qabteen islamarkaana ay qaniimeysteen Qori iyo boosh askariga ka tirsan Murtadiinta ee nolasha lagu qabtay uu watay.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.

Calamada.com

Comments are closed.