Sawiro Maleeshiyaatkii Ku Dhaawacmay Duqeynta Mareykanka Oo Muqdisho La Keenay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa laga soo dajiyay tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Gaala raaca Galmudug kuwaasi oo ku dhaawacmay duqeyntii dhawaan diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen dhanka Bari ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Askartaan laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa qaba dhaawacya kala duwan’waxaana dhaawacyadooda wax looga qaban waayay isbitaalada ku yaala goobaha uu ka arimiyo maamulka Ashahaado la dirirka Galmudug sida Konfurta Gaalkacyo iyo degmada Cadaado.

Ku dhawaad 10-ka askari ee dhaawacyadooda culusyihiin lagana soo soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa qeyb ka ah ku dhawaad 35 askari oo dhimasho iyo dhaawac kaga noqday maamulka dowlada Itoobiya dhisatay ee Galmudug duqeyn labo habeen ka hor diyaaradaha duuliya la’aanta Mareykanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Maamulka Ashahado la dirirka Galmudug ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal oo kaga gubtay iyo askar dhimasho iyo dhaawac kaga noqotay duqeynta diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Gaalkacyo.

Dowlada Nasaarada Mareykanka ayaa wali ku adkeysaneysa in duqeyntaasi ay la beegsatay ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse waxaa xusid mudan goobta duqeynta ka dhacday in daqiiqado ka hor xilliga duqeynta ay goobtaasi ku dagaalameen maleeshiyaat kala taabacsan maamulada gaala raacyada ah ee Puntland iyo Galmudug.

Hoos Ka Daawo Sawirada Dhaawacyada.

gal19 gal18 gal17 gal16 gal15 gal13 gal-14 gal-20 gal11 gal12

gal21

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.