Dhageyso Waaliga Galgaduud Oo Ka Hadlay Itoobiyaanka Ku Wada Dagaalamay Ceelbuur.

sh xasan yacquub caliWaaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo kalimad qayim ah jeediyay ayaa si aad ah kaga hadlay xaalada guud ee gobalka Galgaduud gaar ahaan roobabka xilliga Deyrta ee ka curtay gobalkaasi.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa sidoo kale bulshada ku dhaqan gobalka Galgaduud iyo guud ahaan shacabka Somaliyeed ugu hambalyeeyay jabka xoogan ee soo wajahday dowlada Kufriga Xabashida Itoobiya oo ciidamadeeda kala carartay degmooyinka iyo deegaano ka tirsan gobalada dhaca bartamaha iyo Konfurta dalka Somali.

Waaliga Galgaduud ayaa soo hadal qaaday dagaal culus oo ciidamada Itoobiya ku dhexmaray degmada Ceelbuur kuwaasi oo u kala jabay Amxaaro iyo Tigree.

Halkan Ka Dhageyso Kalimada Waaliga Galgaduud.

Calamada.com