Faahfaahin Maleeshiyaat Ku Wada Dagaalamay Degmada Baydhabo.

BaydhaboWararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi ku wada dagaalameen maleeshiyaat ka wada tirsan maamulka gaala raaca ee uu hogaamiyo Murtadka Shariif Sakiin.

Iska hor’imaadka waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Horseed ee degmada Baydhabo’iyadoona ay sii kordhayaan khasaaraha nafeet ee ka dhashay iska hor’imaadkaasi.

Maleeshiyaatka dagaalamay ayaa ku murmay qaabka loo soo xulayo xubanaha ka mid noqonayo xildhibaanada golaha dhawaaqiida cusub ee dowlada Ridada federaalka.

Inta la xaqiijiyay maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka ku dagaalamay degmada Baydhabo ayaa iska dilay 4 askari’iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badanyahay.

Ma jirta dad shacab ah oo ilaa iyo imika la xaqiijiyay iney waxyeelo ku noqdaan rasaasta Murtadiinta balse iska hor’imaadka waxa uu muddo hakad galiyay dhaqdhaqaaqii dadka gaadiidka iyo midka ganacsiga ee degmadaasi.

Calamada.com

Comments are closed.